![]() ![]() Weeraradaas waxay ka kala dhaceen Bariire (Agoosto 2017), Awdheegle (Agoosto 2019) iyo Ceel Saliini oo labo jeer ah (Septeembar 2019 iyo Febaraayo 2020). Horay ayaa sidaan oo kale ciidamo laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe loo geeyay deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose kadibna weeraro qorsheysan inta Alshabaab ku qaadeen lagu xasuuqay ciidamadaas, gaadiidkii iyo hubkii ay wateena ka qaateen. Waxaa sidoo kale la kordhiyay tirada ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore ahaa 600 hadana la gaarsiiyay 1,600.Ĭiidamada la badalay ayaa la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxayna dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran. Haddaba Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay arrimahan, isagoo ciwaan uga dhigay:- Qorsheyaasha daahsoon ee Madaxweyne Farmaajo iyo dagaal ku soo fool leh dadka reer Muqdisho.Ĭiidamadii ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Ururka 60aad ayaa laga wareejiyay amniga Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo lagu badalay ciidamo laga keenay Gobolka Gedo. Mahad Salaad ayaa sheegay in Ciidankii Ilaalada Madaxtooyada oo ahaa illaa 600 askari haatan laga dhigay 1,600 askari, isla markaana ay yihiin ciidan cusub oo aan aheyn kuwii loogu tala galay ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
0 Comments
Leave a Reply. |